AKHRISO:- Go’aano laga so saaray Shirkii ka hortagga Tahriibka Dhallinyarada Afrika ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kigaali

0

Dalka Rwanda,waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shirka ka hortagga Tahriibka Dhallinyarada Afrika,waxaana uu halkaasi ka socday Muddo Todobaad ah.

Gabagabasha Shirka ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo Lix ah iyo talooyin loo jeediyay midowga AFrika,waxaana sidoo kale la sameeyay Guddi fuliya Qodobadaas oo laga soo xulay Dhallinayaro ka socday 9dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka ayaa looga hadlayay sida lagu yareyn karo Tahriibka Dhallinyarada Qaaradda Afrika ee u tahriibaya Yurub,halkaas oo dhallinayaro badan oo Afrikaan ah ay Sanad waliba ku dhintaan.

                                                                           Qodobada:

  1. Kahortagga Tahriibka dhalinyarada Wadamada Afrika.
  2. Shaqo abuurista dhalinyarada.

3-Isku xirka Dhalinyarada Afrika si ay isu waydaarsadan aqoonta iyo ka hortagga dhibaatooyinka Tahriibka.

4- Isdhaxgalka Dhalinyarada Africa iyadoo loogu baaqay Midowga Afrika in ay soo dedejiyaan hirgalinta Baasaboorka   Ka dhaxayn doona wadamada Afrika.

5-waxaa la sameeyay Guddi ka kooban 9 xubnood “9 wadaan oo ay Soomaaliya ku jirto.

6-si loo xaqiijiiyo xuquuqda Muhaajiriinta iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Bani’adamka ee ay la kulmaan.

Ugu dambeyn,waxaa Qodobadan lagu dhameystirayaa Shirkan kan xiga ee ka dhacaya Dalka Talyaaniga Dhamaadka Sanadkan 2016ka.