Banaanbaxaan oo ay dhigayaan haweenka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaana xubno matalaya haweenka Soomaaliyeed.
Ujeedka banaanbaxaan ayaa lagu sheegay mid haweenka Soomaaliyeed ay ku dalbanayaan in ay helaan xuquuqdii haweenka 30% ay ku lahaayeen dowladda.
Haweenka ka qeyb galay ayaa muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin in ay helaan doorkooda oo ay qeyb ka noqdaan dowladda, iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo u badan kuwa ay codsi ugu dirayaan dowladda Soomaaliya.
Qodobada looga hadlayo shirka Madasha ee Muqdisho ka socda waxaa kamid ah sidii loo heli lahaa xuquuqda haweenka Soomaaliyeed oo qeybna ay uga noqon lahaayeen dowladda la filayo in la yagleelo.
Hoos Ka Dhageyso
Hoos ka Daawo Sawirada:-