Khartum(SONNA)-Wafdigan oo ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali iyadoona ay la socdaan Xildhibaan Professor Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Professor Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin Ibbi ayaa kulan ay la yeesheen Wasiiru Dowlaha Dowlada Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid waxa ay kala hadleen xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-