Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug oo tan iyo waxii ka dambeeyay markii la dhisay Maamulka Puntland uu Gacanta ku hayay Maamulka Puntland ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u Tababaran ee loo yaqaanno Dannab sida ay sheegayaan Warar aan ka helnay Gaalkacyo.
Garoonka Gaalkacyo ayaan shaqeyn Bilihii ugu dambeeyay ka dib Khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo Maareeyihii Garoonka Gaalkacyo Mudane Dhagaweyne.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Dannab oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa 100 Askari ay la wareegeen Guud ahaan Garoonka,kuwaas oo si toos ah u badalay Fariisimihii Ciidanka Puntland Ee Garoonka joogay.
Ciidanka Dannab ayaa waxaa Tababara Dowladda Mareykanka,kuwaas oo Howlgallo gaar ah ka fuliya Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kaas oo ka dhan ah Xarakadda Al-shabaab.
Dadka qaar ayaa qaba in Sababta Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska ay Garoonka Gaalkacyo ula wareegeen ay tahay in ay halkaa Fariisimo ka sameystaan si ay Weeraro ugu qaadaan Al-shababka ku sugan Gobolka Mudug iyo Galgaduud intaba islamarkaana Qorshahaas ay leedahay Dowladda Mareykanka.
Mareykanka oo Saldhigyo uu ka Weeraro Shabaab ku leh Koofurta Soomaaliya halkaas oo ay ka Kacaan Diyaaradaha Duqeeya Shabaab
Puntland weli kama hadlin in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ay la Wareegeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.