DAAWO:- Goob Xaflad ka socotay xalay magaalada Rouen oo isku bedeshay Murug ka dib markii..

0

Dab ka kacay xaflad dhalasho oo ka dhacaysay baar ku yaala magaalada Rouen ee dalka Faransiiska ayaa dilay 13 ruux waxaana ku dhaawacmay 6 kale.

Shumacyadii loo shidayay dhalashada ayuu dabku ka bilowday sida ay sheegeen maamulka Faranciiska .

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay da’doodu waxay u dhaxaysaa 18 ilaa 25 sida ay ku warantay barta wararka ee Paris-Normandie.

Raisal wasaare Manuel Valls ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in uu aad ooga xun yahay masiibada dhacday ee galaafatay 13 dhalinyarada ah.

Xukuumadda ayaa dab damiska ku amaantay sida ay durba uga hawl galeen goobta uu dabku ka dhacay.

Faransiiska waxaa 14 kii July ka dhacay weerarkii baabuurka loo adeegsaday ee magaalada Nice oo ay ku dhinteen 85 ruux, iyo kii ka dambeeyay ee baadariga lagu dilay kiniisada magaalada Rouen 26 July, kuwaas oo ay sheegteen dadka jihaad doonka ah.