DHAGEYSO:- Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo beeniyay in Garoonka Gaalkacyo ay la wareegeen

0

Iyadoo Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u Tababaran ee Dannab la sheegay in ay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa beeniyay Warkaas Saraakiisha Ciidabka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Xasan Abuukar Cali oo ka mid ah Saraakiisha Hogaaminaya Ciidanka Kumaandooska ee Magaalada Gaalkacyo tagay ayaa sheegay in aysan jirin Ciidan la wareegay Garoonka Gaalkacyo,balse Ciidanka tagay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ay u tageen Howlgal gaar ah.

Xasan Abuukar ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Milatariga  ay yihiin Ciidan Soomaaliyeed islamarkaana ay tagi karaan Meelkasta oo ka mid ah Dhulka Soomaaliya.

“Ciidanka Warbaahintu ay sheegeyso ma ahan Ciidan Gobolka u yimid in ay dhibaato ka abuuraan,waxaa ay u yimaadeen Howlgal ka dhan ah Al-shabaab,waxaana ay la kaashan doonaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland Howlgalka”ayuu yiri Sargaalka ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda Qorshe la doonayo in lagu qarameeyo Ciidamada ku sugan Magaalada iyo kuwa Maamulada Puntland iyo Galmudug,iyadoo qorshahaasi uu qeyb ka yahay Qorshaha isku Dhafka Ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-