Muqdisho oo bisha soo socota marti gelineysa Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda oo ka hadashay

0

Soomaaliya ayaa la sheegay in Bisha soo socota ee September ay martigelinayso Shir Madaxeedka Urur Goboledka IGAD, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfuurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho.

Madaxda IGAD ayaa inta badan waxa ay ku shiraan dalka Ethiopia, halkaasi oo ay ku taalo xarunta IGAD.