Waa hubanti in Soomaaliya dib udhaca iyo bur burka ku yimid kudhawaad 30 sano ay qeyb ka qaateen Dadka Soomaaliyeed ee Dalka iyo Dibadiisa ku dhaqan.
Dagaal dhacay,dhiig la daadiyey,Dad Naafoobay,Hanti la iska dhacay iyo Qax dadka ku dhacay waa waxa laga dhaxlay mudada bur burka Soomaaliya ku jirtay.
Banaanbax ballaaran ayaa waxa uu Shalay Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo Haweenka Soomaaliyeed ku codsanayeen in xaqooda lagu duudsiin Dawlada Cusub ee la dhisayo %30 ay muhiim tahay in lasiiyo.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa ka hadashay banaanbaxaasi islamarkaana sheegtay in Qareenka Soomaaliya ay yihiin Haweenka Soomaaliyeed oo xaqooda usoo dhicin laga sugayo.
HALKAAN KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=OAo2ZzWZZxg