DAAWO SAWIRADA:-Raashin dhacay oo WFP leedahay oo lagu gubay Muqdisho

0

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu galabta uu Magaalada Muqdisho ku gubay raashin dhacay, oo dalka ay keentay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa ku waramaaya in Dowladda Hoose Xamar ay dab qabadsiiyay raashiinkaasi, oo sida uu sheegay ay leedahay WFP.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in ganacsato Somaliyeed uu damacoodu ahaa inay ka beec mushtaraan raashiinkaasi dhacay, si ay ugu dhibaateeyaan bulshada Somaliyeed, xilli ay ka daalleen xabadda dalka ka dhacaysa, sida uu yiri.

C/fitaax Cumar Xalane, ayaa intaa ku daray in Dowladda Hoose Xamar markii uu gacanteeda soo galay raashiinkaasi, ay ka yeeshay wixii waajibaad ahaa ee kaga aadanaa.

Xalane oo wareysi siiyay Radio Mustaqbal, ayaa bogaadiyay Ciidankii Booliska ee gacanta ku dhigay raashiinkan, isla-markaana ay fuliyeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku faraxsan in uu ka hortaggo raashiinka dhacay ee la doonaayay in ay quutaan shacabka Somaliyeed, sida uu sheegay Xalane.

Xalane waxaa uu WFP uu ku eedeeyay inay dalka keento raashinka ka hor inta aanu dhicin, ka dibna ay dadka Somaliyeed u qaybiso marka uu waqtigiisu dhaafo, isla-markaana uu fiicilka noocaasi yahay wax laga xishoodo.

Raashiinka galabta lagu gubay Caasimadda Muqdisho, ayaa bilow u ah raashiin la doonaayo in maalmaha soo socdo lagu gubo Magaalada.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Raashiin-dhacay Raashiin-dhacay1 Raashiin-dhacay2 Raashiin-dhacay3 Raashiin-dhacay4 Raashiin-dhacay5