DHAGEYSO WARBIXIN XASAASI:- Saraakiil Dowlada Soomaaliya ka tirsan oo DhalIil xoog leh u soo jeediyay AMISOM

0

Iyadoo muddooyinkii dambe ay soo ifbaxayeen xiriir xumida ka dhaxeysa Saraakiisha howlgalka AMISOM iyo kuwa Dowldda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi si qoto dheer uga hadlay qaar ka mid ah Saraakiisha Militariga ee Dalka Soomaaliya.

Koorneel Faandhe Jaamac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sababta keentay xiriir xumida in ay tahay in AMISOM aysan dooneyn soo afjirada howlgallada ka socda Dalka, halka Xoogaga Dowladduna ay ka go’an tahay in ay la wareegaan amaanka Dalka Soomaaliya.

Korneelka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in Ciidamada AMISOM ay soo faarujiyeen Degaano badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Dalka, isagoona xusay in Ciidamada DFS aysan awoodan in ay buuxiyeen goobihii ay soo faarujiyeen maadaama aysan heysan buu yiri agab militari oo ku filin.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Korneel Faandhe Jaamac waxuu ku taliyay in la tayeeyo Xoogaga Militarig Dalka Soomaaliya, si buu yiri looga kaaftoomo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee haatan ka socda Dalka Soomaaliya.

Waxuu Koorneelka soo hadal qaaday in muhiim ay tahay in mushaaraadka Ciidamada Dowladda Soomaaliya la bixiyo maadaama bixinta mushaaraadka uu ku tilmamay mid ku dhiirigelineysa Ciidamada in ay sii wadaan howlgallada lagu xasilinayo Dalka.

Hadalka Korneelka ayaa waxuu daba socdaa kulan u dhaxeeyay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kaasi oo lagu cadeeyay in aysan jirin wax xiriir ah labada dhinac, loona baahan yahay in la xoojiyo xiriirka si looga adkaado Xarakada Al Shabaab.

Sikastaba, Xiriir la’aanta Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababtay in Xarakada Al Shabaab ay mararka qaar ku soo laabtaan Degaano iyo Degmooyin markii hore laga saaray.

HALKAAN KA DHAGEYSO