Maamulka Dowlada hoose ee Garowe ayaa sheegay inay fureen wadooyin magaalada gudaheeda ku yaalay oo dhawaan ay xirteen dad shacab ah, arrintaas oo ay dadku si weyn walaac uga muujiyeen.
Agaasimaha waaxda dhulka dowladda hoose Garowe Maxamuud Maxamed Jaamac Amooroos ayaa sheegay inay maanta oo axad ah furayaan wado kale oo muhiim ah oo dhawaan dad shacab ay xirteen, taasoo markii dambe ay dadku deegaanku kasoo horjeesteen xirashadeeda.
Xildhibaanada gollaha deegaanka ayaa dhawaan ugu baaqay maamulka degmada Garowe inuu si degdeg ah wax uga qabto dadka iskudayaya inay kusoo xadgudbaan wadooyinka magaalada Garowe, oo ah halbowlaha caasimadda.
HALKAAN KA DHAGEYSO