Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Mudug C/waaxid C/dille Warsame Awdoon ayaa Maanta booqday qaar ka mid ah dugsiyada H/dhexe iyo sare ee Gabalka Mudug si ardayda ugu waramo faa,iidooyinka ay leedahadaha Nabadgalyada oo si wadjir ah loga wadashaqeeyo.
Taliyaha oo warbaahinta la hadalay kadib booqashadiisa ayaa sheegay in Muhiim tahay in dadku ay fahmaan wadashaqaynta booliska iyo shacabka,Maadama booliska kaliya uusan waxba qaban karin.
Taliyaha ayaa ardayda ka dalbaday inay so sheegan cidii ay u arkaan in lid ay ku yihiin amaanka
Gobalka Mudug,isagoona ka codsaday in amaanka laga wadashaqeeyo ayna diidan in maalin waliba indha laga tuuro oo la dilo Haldoorkooda.
Sidoo kale,Taliye Awdoon ayaa sheegay in awood waliba ay ku bixinyaan sidii ay ku sugilahaayen aamaanka gobalka Mudug,iyadoona hada amaanka gobalkaasi uu aad u fiicanyahay kadib markii madaxweyne gaas uu isbadal ku sameeyay maamulka Gobalka Mudug iyo Taliska booliska.
Ugu Danbayntii arintan uu sameeyay Taliyaha qaybta booliska Gobalka mudug ayaa ah mid ku cusub Gobalka Mudug,waana markii ugu horeeyay sargaal dowlada ka tirsan uu Bahda waxbarashada ka codasday inay kala shaqeeyan arimaha nabadgalyada.
HALKAAN KA DHAGEYSO