Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa uu Magaalada Muqdisho ku gubay raashin dhacay, oo dalka ay keentay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa ku waramaaya in Dowladda Hoose Xamar ay dab qabadsiiyay raashiinkaasi, oo sida uu sheegay ay leedahay WFP.
Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in ganacsato Somaliyeed uu damacoodu ahaa inay ka beec mushtaraan raashiinkaasi dhacay, si ay ugu dhibaateeyaan bulshada Somaliyeed, xilli ay ka daalleen xabadda dalka ka dhacaysa, sida uu yiri.
C/fitaax Cumar Xalane, ayaa intaa ku daray in Dowladda Hoose Xamar markii uu gacanteeda soo galay raashiinkaasi, ay ka yeeshay wixii waajibaad ahaa ee kaga aadanaa.
Xalane oo wareysi siiyay Radio Mustaqbal ayaa bogaadiyay Ciidankii Booliska ee gacanta ku dhigay raashiinkan, isla-markaana ay fuliyeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.
Raashiinka lagu gubay Caasimadda Muqdisho, ayaa bilow u ah raashiin la doonaayo in maalmaha soo socdo lagu gubo Magaalada,Maanta ayaa la filayaa in Kuwo Kale Gobolku Gubo.
HALKAAN KA DHAGEYSO