Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo bandhigay Sir ay ka heleen Ururka Al Shabaab oo ay soo maleegayaan.
Dhagarta ay damacsan yihiin Al Shabaab ayuu ku sheegay Madaxweyne Xasan inay tahay mid ay ku doonaaan dalka inay sii geliyaan qarbudaad iyo dhibaato hor leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh waxa uu sheegay inay doonayaan sidii dalka si nabad gelyo ku jirto uga dhici laheyd Doorasho loo dhan yahay dadkana ku qanacsan yihiin.
Xasan Sheekh waxa uu hoosta ka xariiqay inay tahay mid lagama maar maan ah sidii looga hortagi lahaa dhagarta ay soo abaabulayaan Al Shabaab,waxaana uu hadalkaan ka jeediyey kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo Saraakiisha AMISOM ay xaadireen.
HALKAAN KA DHAGEYSO