Hogaamiyaasha Madasha wada-tashiga Qaran ee ku Shirsan Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada ka dhacaysa Soomaaliya dabayaaqada Sanadkaan.
Hogaamiyaasha ayaa isla meel dhigay in Doorashada ka dhacaysa Dalka ay ugu soo horeyso dhismaha Xubnaha Aqalka Sare,waxaana la dhisi doonaa 25-ka Septemer.
24-ka September ilaa 10 October waxaa la soo Xulayaa Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda ee badalaya midka hadda jira.
Guddoomiyaha Baarlamaanka soo socda waxaa iyana la isku raacay in la doorto 25 October,iyado Doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 October.
Hogaamiyaasha ayaa goor dhaw soo saari doona War-murtiyeed ay ku Saxiixan yihiin dhamaan Madaxda Madasha ee Shirka ku leh Magaalada Muqdisho.