XOG:- Gobolka Banaadir oo xubno laga siiyay Aqalka Sare {Akhriso tirada}

0

Shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Muqidsho oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa lagu heshiiyay qodob muddo dheer la isku hayay oo ku saabsan Gobolka Banaadir oo ka maqnaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

War laga soo saaray madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kooban loogu sheegay in Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ay isku raaceen metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Wararka laga helayo shirka Madasha ayaa sheegaya in tirada Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sare ay dood ka dhalatay, kadib markii la isku waafaqay in xubno laga siiyo Aqalka Sare, waxayna madaxda qaarkood soo jeediyeen 9 xubnood in la siiyo, halka inta badan ay qabaan 5 xubnood.

Waxaa hore Beesha Banaadiriga laba xubnood laga siiyay Aqalka Sare shirkii Baydhaba, waxaan shanta xubnood ee Gobollka Banaadir la siinayo ka mid noqon doona labadaas xubnood.