Ciidamada dowladda Federaalka oo la wareegay Deegaan u dhexeeya Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad

0

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay weerar ku qaadeen deegaan lagu Magacaabo Madax Kisi oo dhaca inta u dhexeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad halkaas oo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan deegaankaasi kadib dagaal culus oo dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

Waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaarooyin kala duwan , walow aan si rasmi ah loo cayimin xaddiga khasaarooyinkaas ay gaarsiisan yihiin.

Deegaankaan Madax Kisi ee u dhexeeya Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa hadda si rasmi ah gacanta ugu haya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale inta  Ciidamada dowladda ay ula wareegeen deegaanka ay dib uga gurteen.

Maalinta Arbacada ayaa la sheegay in deegaankaasi Madax Kisi ay isugu yimaadaan Ganacsatada Xoolaha taas oo ku beegan maalinta beri ah.