DAAWO Kacdoonka Shacabka Itoobiya: Ciidamada Amaanka Dalkaas Oo Budad Iyo Laad Ku Garaacaya Shacabkii Gadoodsanaa..

0

Dibed-baxyadii maalmahan ka socday magaalooyin ku yaalla gudaha dalka Itoobiya ayaa sii xoogeystay, iyadoo dad badana lagu laayey, waxaana sii xumaanaya xaalada wadankaas.

Dibed-baxyada ayaa bilowday ka dib markii dowlada Itoobiya ay sameysay qorshe ay ku ballaarineyso caasimada Addis ababa kaasoo loogu soo darayo dhul ku yaalla gobolka Oromia oo caasimada deris la ah, waxaana ka soo horjeestay qowmiyada Oromada.

Hay’ada xuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa waxay sheegtay in ka badan 97 ruux lagu dilay banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay dalka Itoobiya labadii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii boolisku ay rasaas nool ooda kaga qaadeen dadka dibed-baxyada wada.

Qowmiydaha Oromada iyo Amhara ayaa ka cabanaya in dowlada Itoobiya ay duudsiisay xuquuqdii dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha ee ay ku lahaayeen dalkaas.

Magalada Bahar dar oo amxaaradu degto ayey wararku sheegayaan in khasaarihii dhimasho ee ugu badna uu ka dhacay, iyadoo ciidamada amaanku ay maalin kaliya laayeen 30 ruux inkastoo dowlada Itoobiya ay beenisay in ciidamadu ay dad fara badan dileen.

Isku soo wada duuboo Kumanaan ka mid ah dibed baxayaasha ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in xabsiyada dalkaas lagu guray, kuwaasoo heyadaha xuquuqda aadanuhu ay ka walaacsan yihiin xaaladooda.

 

 

Hoos Ka Daawo