Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhimatay qarax saaka oo isniin ah lala beegsaday isbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa mid uu geystay qof isa soo miidaamiyay ayaa lala beegsaday qeybta gurmadka deg dega oo xiligaasi la keenay meydka nin Qareen ah oo saacado ka hor la khaarijiyey, waxaana xiligaasi goobta ku sugnaa Qareeno badan iyo qoyska marxuumkaasi.
Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 50, iyadoo la filayo in dhimashada ay sii kororto.
Xaalada dadka dhaawacmay ayaa qaarkood laga deyrinayaa, maadaama dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.
Booliska ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanka ku aadan ruuxa goobta isku qarxiyay.
Illaa iyo hada ma jirto koox sheegatay inay weerarkan ka danbeysay, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa lagu yaqaan kooxda TTP ee Talibanka Pakistaan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-