Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya,C/Llahi Gaafoow Max’uud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa amar ku bixiyay in Dadka Banaadir ay qaataan kaararka Aqoonsiga ah ee Teesare Minishiibiyo.
Jeneraal Gaafoow oo ka hadlayay shirka Jaraa’id ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan Dad ku dhintay Qaraxyada ama la toogtay oo ay aaseen dadkii u dhawaa,waxaana uu intaa ku daray in shacabka ay tagayaan Godka jilacoow iyaga oo raadinaya qof mar hore dhintay oo la aasay.
Waxaa uu sheegay in Qofkasta looga baahan yahay in uu qaato kaarkaasi si wax looga qabto falalka amni darrada ah iyo in la aqoonsado dadka ku dhinta qaraxyada.
HALKAAN KA DHAGEYSO