Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Todobaadkan ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo markii la soo gaba gabeeyay shirkan ayaa sheegay in go’aanada ka soo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran cidna aan loogu roonaanin cidna aan loogu darnaanin, isagoo intaa ku daray in loogu roonaado Maslaxada Soomaaliya sida ay suurtagalka ku tahay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanada aysan ku saleysneyn in cid gooni ah loo hiiliyo sidoo kalena cid gooni ah laga hiiliyo.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay mar walba taageero buuxda siiyaan dowladda Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO