DHAGEYSO: Somaliland oo ka hadashay wadahadalada kala dhaxeeya Khaatuma

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in guddi heer wasiiro ah loo xilsaari doono wadahadalada u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo sidoo kale maamulka Khaatuma.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay guddi heer qaran ah u saari doonaan wadahadalada u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo sidoo kale Maamulka Khaatuma.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa  sheegay in heshiiska ay la fureen Khaatumo uu yahay bilow sidaas darteedna xukuumada Somaliland ay  ku dadaali doono in uusan heshiiskaasi fashilmin.

Wasiir Saxardiid ayaa sheegay in maamulka Khaatuma ay qaateen tilaabo geesinimo leh oo shacabka kunool Khaatumo u horseedi karta nabad iyo horumar.