Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxa uu sheegay in Xaalad cakiran weli jirto.
Waxa uu C/samad sheegay inay hadda taagan tahay Arimo dhowr ah waxaana ka mid ah inay hor taagan tahay Shirka iyo soo xiritaankiisa qaabka loo qeybsanayo Xubnaha Aqalka Sare oo Soomaaliland ay ku qancin waxa uga soo aaday,Hiiraan iyo Sh.dhexe oo iyaguna maamul dhameystiran heysan iyo qodobo kale.
Mar uu soo hadal qaaday Awooda Madaxweynaha iyo sida ay noqon karto marka xilligiisa sharciga dhamaado ayuu saluugay in bil loo ogolaa inuu ku darsado hase ahaatee ay hadda labo bil wararku sheegayaan in loogu daray.
Hoos ka Dhageyso Codka:-