Diyaaradaha dagaalka dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo waramaya in ay dad rayid ah ku dileen dalka Yemen ka dib duqeyn ay ka geysteen Dalkaasi.
Duqeynta ayaa lagu soo waramaya in ay ka dhaceen degmada Kushar oo ku taala Waqooyi Galbeed ee gobolka Hajjah ee dalka Yemen.
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay duqeynta dalka Yemen , waxaana la sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan caruur iyo Haween.
Xulafada sacuudiga ayaa lagu soo waramaya in ay duqeynta ay ku dhufteen meel ay kunool yihiin dad rayid ah.