TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo soo saaray Amaro adag

0

Maamulka Puntland ayaa maanta oo talaado ah Mamnuucday inay dadka isticmaalaan baabuurta qaar iyadoona lasoo sheegayo in ciidanku tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug Ee Puntland C/wahaab Warsame oo la hadlay Warbaahinta waxa uu sheegay inay ganaax lacageed iyo Xarig iskugu dari doonaan baabuurtaasi.

Taliye Warsame waxa uu sheegay inay mamnuuceen kol hore baabuurta leh muraayadaha Madoow (Beensalka Loo yaqaano) ayna amarkaasi maanta bilaabayaan dhaqan gelintiisa.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale looga diiday deegaanada Puntland baabuurta Muraayadaha Beensalka leh tiiyoo aysan amarkaasi ka dhaqan gelin meelaha qaarkood.

HALKAAN KA DHAGEYSO