Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali gaas ayaa bil ka hor Magaalada Gaalkacyo u u magaacbey Gudi dib u sixida Magaalada Gaalkacyo ka shaqeeya ,kuwaasi oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Puntland.
C/qani Geele Maxamed WasiiruDowlaha Garoomada iyo Duulista Hawadda Puntland oo ka mid ah Gudigaas ayaa maanta sheegay in waxbadan ka qabteeen Hawlihiii Madaxweynu u igmaday.iyadoona ay dhawaan so gabogabaydoonan Howlihii shaqo ay Gaalkacyo u joogen.
Gudigan ayaa kala diray Agaasime Waaxeedadii D/hoose ee Degmada Gaalkacyo,dibna u so bandhigay Fursadaahis shaqo,taaso markii danbe lo qaatey ilaa Lix agaasime Waxeedyo oo ay ka mid yihin Dhalinyarada iyo Haweenka firfircoon ee Magaalada.
Sidoo kale,Gudiga ayaa so dhisay Golaha Degmada Gaalkacyo oo u badan niman Dhalinyaro aqoonyahan,kuwaaso la filayo inay waxbadan ka badalaan Magaalada Gaalkacyo duq cusubna u doortay Maxamuud Yaasin Axmed Tumey oo horay uga so shaqeeyay hay’ado Caalami ah iyo Safaaradaha Wadmada Talyaaniga iyo biljimka.
Dhinaca kale,Gudigana ayaa wax ka qabtey Suuqa Xero dayax ee Magaalado Gaalkacyo kaaso dhawaan loga dhigay suuqa ugu weyn Magaalada Gaalkacyo,iyadoona ay aad ugu qanceen bulshada Reer Gaalkacyo waxqabadkii Gudigaas u Magacaabey Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo dhawaan safar ku tagay Gobalka Mudug.
Ugu Danbaytii Gudigan ayaa Taliska Booliska,Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Mudug ee cusub kala shaqeeyay amaanka Magaalada Gaalkacyo,waxaana xalay ay magaalada ku so mareen socod ay ugu magacadareen Nabadgalyada Gaalkacyo oo ay ku mareen Fagaarayaasha iyo Xafaadaha Magaalada Gaalkacyo.
HALKAAN KA DHAGEYSO