Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho ku joogga dalka Ruushka, ayaa kula kulmay Madaxweyne Vladimir Putin, waana safarkii ugu horeeyay oo dibadda uu ugu amba baxo, tan iyo afgambigii fashilmay ee 15-kii bishii July ka dhacay Turkiga.
Labada dhinac oo ku kulmay Magaalada St Petersburg, ayaa waxay si dhow uga wada hadleen, sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii labada dal oo xumaaday bishii November, ka dib markii uu Turkigu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku uu lahaa, xilli sida uu Turkigu sheegay ay ku soo xadgudubtay hawadooda.
Intii uu kulanku u socday, ayaa waxay isla soo hadalqaadeen xaaladda murugsan ee dalka Suuriya, waxayna isu mowqif ka qaateen arrimaha dalkaasi, inkastoo ay isu qabteen qaabkii loo wejihi lahaa.
Gaba gabadii kulankoodaan, ayay si wada jira Saxaafadda ula hadleen. Madaxweynaha Ruushka oo hadalka ku horeeyay, ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga ay muujinayso, sida ay kaga go’an tahay in la hagaajiyo xiriirka labada dal.