DHAGEYSO XASAASI:- Salaad Cali Jeelle oo Banaanka keenay Fashilka Xasan Sheekh iyo Wasiir Odawaa

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mar hore ku guul dareysatay dhismaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shalay qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ahaa in si deg deg ah lagu soo dhiso maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ay mar hore ku fashilmeen dhisida maamulka Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe, haatana aysan suuragal aheyn in is deg deg ah lagu dhiso maamulkaasi.

Arintan oo in badan dib u dhac uu ku yimid ayaa sidoo kale Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa waxa uu sheegay in dib loo bilaabayo shirkii Magaalada Jowhar, islamrkaana lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO