Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ammaanka Gobolka Mudug iyo Qodobadii ka soo baxay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee lagu soo Afmeeray Muqisho.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay soo dhaweyneyso la dagaalanka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada,balse loo baahan yahay in Howlgalada laga fulinayo Galmudug lagala tashado Galmudug si looga dheeraado in wax qaldamaan.
Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa dhanka kale ka horyimid Qodobo ka mid ahaa kuwii ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran islamarkaana uu sheegay in Xubnaha Aqalka Sare Puntland loogu kordhiyay Labo Xubnood,waxaana uu intaa ku daray in Galmudug ay diidan tahay Sadbursi ayna ka soo horjeedaan.
“Puntland horay waxey Galmudug u dheereyd Saddex Xubnood,haddana Labo kale ayaa loogu daray,marka Galmudug ma aqbaleyso”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.
HALKAAN KA DHAGEYSO