Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya,C/Raxmaan Max’ed Xuseen Odawaa,ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka nidaamka federaalka ah,taa soo uu sheegay in ay tahay nooc ay Soomaalida qaadatay.
Mar uu ka hadlayay federaalka iyo maamulka Somaliland ayuu sheegay Wasiirka in maqnaanshaha maamulka Somaliland uu ka maqan yahay federaalk Soomaaliya ay qeyb ka tahay tabar darrida iyo ducfiga heysta Dowladda Federaalka ah iyo hwolaha Dowladnimada Somaliya.
Odawaa,waxaa uu sheegay in go’aannada kala jeeda ee gooni isu taagga Somaliland iyo Dowladda Federaalka oo rabta in Somaliland ka mid noqoto Federaalka aysan ahayn kuwo dan u ah shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu soo jeediyay in Miiska wadahadalka lagu kala baxo oo la wada tago halkii qolo kasta ay dhihi lahayd mowqifkaas lagama leexanayo.
Maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in aysan la tagin dhibaato horay uga soo gaartay Dowladdii dhexe,waxaana uu ka codsaday in ay dib u eegaan Dowlanimada Soomaaliyeed iyo Soomaalinimada.
HALKAAN KA DHAGEYSO