Wararka inaga soo gaaraya degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay halkaasi ka dhacday duqeyn dhanka cirka oo ilaa iyo hada aan la ogeyn cida fulisay duweyntaasi.
Warar ay Idaacadda Risaala heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in ciidan dalka Mareynkanka u dhashay ay diyaaradahaasi wateen.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay duqeyntaasi jirtay oo kontoroolka magaalada laga soo galo Al-shabaab ku sugnaa lagu duqeeyay khasaarana uu jiro.
Sarkaal ka tirsan dhanka maamulka Jubbaland ayaa dhankiisa inoo xaqiijiyay in ciidanka ay dagaal la galeen ururka Al-shabaab.
Majirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlada Mareykanka oo ku aadan in ay duqeyntaasi geysteen oo ay khasaare gaarsiiyeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.