DAAWO MUUQAAL XASAASI AH:- Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo si Live ah ugu hanjabay Axmed Fiqi & Dagaal ka dhacay

0

Telefishinka Universal Ee Afka Soomaaliga wax ku tebiya ayaa waxa xalay ka baxay dood wadaag aad uxamaasad badnaa iyadoona Xalaadu ay noqotay in la isku sigtay gacanta la iskula tago.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig iyo Xoghayaha Xisbiga Daljir Axmed Macalin Fiqi ayaana dood culus oo dagaal inay sababto gaari rabtay dhexmartay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa goobta kasoo bandhigay waxyaabo Sir ah oo qarsoon isagoo tibaaxay in Dawlada Soomaaliya ay af qabasho ku heyso dadka Soomaaliyeed.

Wasiir Xidig ayaa si maldahan usheegay inay Axzaabta weli aan la aqoonsan isa soo diin waan geliyaan sharcigana soo maraan taasi oo si kulul uga xanaajisey Axmed Fiqi kuna tilmaamay warkaasi mid uu Wasiirku Hanjabaad Xisbiyada ugu jeediyey.

HALKAAN KA DAAWO