Maxaweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha, ayaa Waxaa garoonka diyaarada Jigjiga ku soo dhaweeyay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.
Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku tagay Magaalada Jigjiga ayaa noqoneysa, booqashiid ugu horreysay oo rasmi ah oo uu halkaasi ku tago.
Hoos ka Daawo Sawirada:-