Dalka Zambia waxaa ka billowday doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
Sagaal musharax oo u taagan xilka madaxweynenimada ayaa ku tartamaya doorashadan.
Balse loolanka ugu adag wuxuu u dhaxeeyaa madaxweyne Edgar Lungu iyo Hakainde Hichilema.
Waxaa jiray isku dhacyo u dhaxeeya taageerayaasha labadan musharax.
Dhaqaalaha dalka Zambia ayaa waxa uu in muddo ahba ku tiirsanaa macdanta copper-ka.
Balse muddooyinkan dambe macdantaasi qiimaheeda waxaa la degay qiimo dhac weyn oo ku yimid.
Shaqo la’aanta dhalinyarada dalkaasi ayaa sidoo kale ka mid ah arrimaha ay dhammaan musharixiinta ballan qaadayaan in ay wax ka qabanayaan.