TOP DHAGEYSO:- Masuul hore oo Degmada Afgooye weerar ku qaaday

0

Iyadoo Xalay Weerar lagu soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa weerarkaas waxaa lagu Eedeeyay inuu soo qaaday Guddoomiyihii hore ee Dagmada Afgooye C/qani Yuusuf Axmed”Booli Moog” iyo Maleeshiyo uu wato.

Maxamed Xuseen Shiine oo la soo shaqeeyay Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Guddoomiyihii hore ee Dagmada uu Weerarka soo qaaday,waxaana uu intaa ku daray inuu Gacan ka helayo Al-shabaab Guddoomiye C/qani.

Shiine ayaa intaa raaciyay in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose uu ka soo horjeestay Xilka qaadis lagu sameeyay islamarkaana uu noqday nin ka soo horjeeda Maamulka Degmada Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Weerarkii Xalay lagu qaaday Degmada Afgooye islamarkaana sheegtay in ay ku dileen Weerarka ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO