TOP DHAGEYSO:- Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Safiirka Itoobiya.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in kulan qarsoodi ah uu dhexmaray Safiirka Dalka Itoobiya ujooga Waddanka Soomaaliya iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Warkn ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kulankan inaan wali si faah faahsan loo helin xogtiisa iyo waxa laga shiray iyo ujeedka kulankaasi waxaase la xaqiijiyey jiritaanka kulanka inuu dhacay.

Ilo wareedyadeena ayaa waxa ay sheegayaan in ugaaska iyo safiirka ay ka hadleen Arimaha Maamul Usameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo Ugaaska iyo Odayaasha ku fekirka ay saluugsan yihiin Qaabka Maamulka loo dhisayo.

Isku soo wada duuboo Dawladda Itoobiya oo galangal Siyaasadeed Soomaaliya ku dhex leh ayaa lasoo warinayaa in ay macquul tahay Waxgaradka Hiiraan inay ka ogoleysiiso Shirka Jowhar ka qeyb galkiisa oo ay maamulka la dhisayo doorkooda ka qaataan.

 

Hoos Ka Dhageyso