Magaalada Muqdisho waxa kulan iskugu yimid Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaal kasoo jeeda Deegaanada Soomaaliland kuwaasi oo dhaliilay ama qaadacay natiijada War Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Shalay lagu soo gaba gabeeyey Xamar.
Kulanka ayaa si qoto dheer lagu diiday qaabka loo bixiyey Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliland iyo Puntland kala heleen iyadoo Somaliland tirada lasiiyey la sheegayo in la yareyn doono.
Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka mid ah BF Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland ayaa marka hore dhaleeceeyey qaabka Xubnaha Aqalka Sare loo qeybsaday.
Cabdi Xaashi ayaa muujiyey heerka waddaniyad ee ka taagan tahay inay mar kale Soomaali weyn midowdo isagoo iska difaacay su’aal BBC-du ku weerartay sheegayna inuu yahay qof jecel Soomaalida oo isku soo laabata.