TOP DHAGEYSO:- Xildhibaano ka tirsan Puntland oo Deegaanka Qarxis u tagay Sidii ay u xalin lahaayeen Khilaafaad

0

Xildhibaano katirsan dowladda Puntland oo kasoo jeeda gobolka Nugaal ayaa maanta gaaray deeegaanka Qarxis ee gobolka, iyagoo socdaalkoodu uu la xiriiro sidii ay usoo qiimayn lahaayeen xaalada waxbarashada ardayda deegaankaas kadib go’aankii dhawaan kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.

Xidlhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo kamid ah xildhibaanada deegaankaas gaaray ayaa sheegay in isago iyo labo xildhibaan oo kale ay halkaasi u tageen wadatashiyo ay la yeelanayaan bulshada deegaanka, wadatashiyadaas oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa go’aan dhawaan lagusoo rogay deegaanka ee ahaa in lagala noqday in deegaankaasi mardambe imtixaan lagu galo.

Xildhibaan Siciid Surcad ayaa sheegay inay go’aan wasaaradda waxbarashada u socdaan wada hadalo ku saabsan sidii arrintaan xal loogu heli lahaa maadaama uu sheegay inay saamayn ku yeelatay kun arday oo deegaankaas wax ku barta, kuwaas oo hadda waxbarasho la’aan ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO