TOP:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulamo Xasaasi la qaadanaya Madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay golaha wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Kulanka ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale golaha wasiirada dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya intii uu socday ayaa madaxweynaha Soomaaliya golaha wasiirada waxaa uu u jeediyay khudbad dheer oo uu ka ka hadlay ay xaalada dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale horumarka ay gaareen dadka Soomaaliyeed ee kunool dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Jigijiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u tagay magaalada Jigjiga, sidoo kale waxaa tagay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jira.