Golaha wasiirada maamulka Jubbland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ka hadleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arimaha ammaanka , Waxbarashada ,Caafimaadka iyo sidoo kale shirki madasha ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa soo jeedisay Warbixin ku saabsan dhulka Dowladda iyo Dhulalka Ajaanibta ay kuleeyihiin magaalada Kismaayo in la sharciyeeyo.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro Mushkiladaha iskuulada ku yaala magaalada Kismaayo oo aan badankood hoos tagin maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo hadlay kulanka ayaa sheegay in wasaarada maamulka Jubbaland looga baahan yahay in ay dadka si cadaalad ah ugu shaqeeyaan.