Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow degmada Xamar Jajab ku dileen qof dumar ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in qofka dumarka ah ee la dilay in ay shaqeynaysay mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho , inkastoo aan wararkaasi la xaqiijin karin.
Qofka dumarka ah ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab gaar ahaan xaafada lagu magacaabo Unisheefta.
Qof ka mid ah dadka kunool xaafada Unisheefta ayaa Risaala u sheegay ” waxaa la dilay qof dumar , waxay ka shaqeynaysay mid ka mid ah hoteelada Muqdisho , kooxo hubeysan ayaa toogtay ka dibna way baxsadeen” waxaa sidaasi Risaala u sheegay mid ka mid ah dadka kunool Xaafada Unisheefta.
ilaa iyo hada kama hadlin maamulka degmada Xamar Jajab dilka Maanta ka dhacay degmadaasi.