Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka soconaya Howlgalo ay wadaan Ciidamada Nabadgalyada Puntland oo kaashanaya Ciidamada Danab ee Soomaaliya.
Howlgaladaan ayaa ilaa hada waxaa laga so qabtay ku dhawaaq 10 qof oo ku jiro nin u dhashay Dalka suudan oo Qaraxyada u samayn jiray Ururka Alshabaab,kaaso lagu magacaabo Saciid C/laahi AlSudani.
Ka Hor Howlgaladan Wadajirka ah ayaa Ciidamada Nabadgalayada Puntland waxay gacanta ku so dhigeen Labo nin oo dilalkii ugu danbeeyay ka gaystay Gaalkacyo,kuwaaso fashilyay Halka laga so
abaabulo Dilalka ka dhaca Waqooiga Gaalkacyo.
Xogtan ayaa sheegaysa in Labadaas nin ay sheegen in Dadka dilka gaysta ay dagan yihiin Xaafada Baraxley ee Magaalad Gaalkacyo,halkaasna ay fariisin u tahay Qaybo ka mid ah Alshabaab.
Intaas kadib Madaxda Dowlada Puntland ayaa dajiyay qorshihii lagu afjari lahaa Fariisinka ay Alshabaab
ku leeyihiin Xaafada Baraxley ee Gaalkacyo,Waxaana qorshahaasi la wadaagen Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya jooga,kuwaaso Ciidamada Nabadgalyada Puntland,ku kaabay Ciidamada Danab ee ay Maalgaaliyaan si Dadka dagan Xaafadaasi aysan u arkin in Puntland u ku so duushay.
Wararka la helaayo ayaa sheegaya in R/wasaaraha Soomaaliya u fududeeyay in Ciidamda Danab ay qayb ka noqdaan Howlgalada ay wadaan Ciidamda Nabadgalyada Puntland,kaaso lagu sifaynayo Alshabaab ku dhuumalaysanaya Xaafada Baraxley ee Maamulka Galnus.
Ugu Danbaytii Ciidamada Nabadgalyada Puntland oo dhinaca socdaan Danab ayaa Howlgaladoooda ugu danbeeya ka fulindoona Degmada Galdogob oo laga shakisan yahay inay jooga Saraakiil Alshaaba ka tirsan.