XOG RASMI AH:- Waa maxay Ujeedada Puntland ku heshay xubnaha dheeraadka ah ee Aqalka Sare?

0

Saxaafada ayaa heshay xogo dheeraad ah oo ku saabsan sida ay Puntland ku heshay labo xubnood oo dheerad ah, kuwas oo hadda kamid noqonaya Aqalka sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Madasha Wadatashiga ee Soomaaliyeed ayaa mudo 7 maalmood ah, dood adag ka lahaa arrimaha Siyaasada ee dalka, gaar ahaana doorashada 2016-ka, waxaana ugu dambeyn lla go’aansaday in Puntland ay hesho xubnahan dheeraadka ah.

Labadan xubnood waxay ka dhigaysaa tirada guud ee Aqalka sare Puntand 13 xubnood, halka dawlad gobaleedyada kale leeyihiin min 8 xubnood, marka laga reebo maamulka Somaliland oo leh 11 xubnood oo dheeraad ah.

Galmudug & Somaliland waxay diideen labadaan xubnood ee ay heshay Puntland, waxay sheegaan in aysan aqbaleyn dhamaan dheeraadkan, iyagoo dalbaday oo kaliya in ay la mid noqoto.

M/weynaha Galmudug wuxuu shalay muujiyey Neceybka u qabo Puntland, isagoo sheegay in aysan aqbaleyn, laakiin taas waxay u muuqatay mid aan marnaba suuragal noqon doonin.

Saxaaada ayaa ogaatay in aysan waxba ka jirin warar sheegaya in xubnahan laga soo jarayo Somaliland & Galmudug, waxaana la xaqiijiyey in ay yihiin kuwa rasmi ah oo ay heshay Puntland, maadaama ay tahay Hooyadda Faderaalka Soomaaliya.