Taliska Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa ka warbixiyay Weerar Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen Duleedka Degmadaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Afgooye, Dhame Maxamed Amiin Cismaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Al Shabaab ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen Saldhig Boolis oo ku yaalla halkaasi.
Dhame Maxamed Amiin Aadan ayaa waxuu sheegay in Dagaalka uu ahaa mid xoogan, islamarkaana uu jiro khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Dagaal yahanada Al Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu beeniyay in khasaaro uu Dagaalkaasi ka soo gaaray Xoogaga Booliska.
Taliye Dhame ayaa waxuu beeniyay wararka la xiriira in xiliyada habeenkii ay Al Shabaab ka arimiyaan qeybo ka mid ah Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.
WaxaaTaliyaha uu intaasi ku daray in Xoogaga Booliska ay isku filan yihiin, islamarkaana ay ka feejigan yihiin Weerarada Xarakada Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa inta badan Weeraro qorsheysan ka fulisa qeybo ka mid ah Degmada Afgooye oo qiyaas ahaan 30Km dhanka Koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.