DAAWO+XOG CUSUB:- UGAAS XASAN: Shirkii Madashada Wixii laga filayay waxan ahayn ayaa kasoo baxay

0

Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan oo si wadjir ah shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa si adag uga hadlay Qodobbadii dhawaan laga soo saaray Shirkii Wada-tashiga ee Hoggaamiyayaasha Somalia ugu soo Dhammaaday magaalada Muqdisho.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa sheegay inay shirka madasha-wadda-tashiga kusoo dhamaaday sidda uu hadalka u dhigay wax aan aheyn wixii bulshada Soomaaliyeed ka filayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in dhamaan wixii wadda -hadalo ahaa ee u dhaxeeyay urur gobolleedka IGAD,dowladda federaalka iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan soo afjarmeen.

Ugaaska ayaa sheegay in go’aamada shirka madasha-wadda-tashiga ka soo baxay noqdeen oo kaliya in hogaamiyayaashii ka qeyb-gallay siddii ay doonaan iyaga wax u maamuleen, islamarkaana waqti badan lagu lumiyay sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynta cadaalad-darro iyo dadka la iska horkeeno.

HALKAAN KA DHAGEYSO