Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal culus oo saqdii dhexe ee xalay ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland PSF-ta ka fuliyeen Xaafadaha Wadajir, Garsoor iyo Horumar ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab.
War ka soo baxay Taliska ciidamada PSF-ta ee Puntland ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu soo qabteen qaar kamid ah dhagar-qabayaasha Al- Shabaab oo falal Argagixiso ka geysan lahaa magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada ayaa howlgaladan fuliyey saqdii dhexe, waxaana ay galeen guryo ku yaala sadexdan Xaafadood, wuxuuna howlgalkan dhacay isku saacad, si dhabarka looga jabiyo kooxahan cadowga ah.
Taliska ciidamadu wuxuu cadeeyey in lasii wadi doono howlgalada lagula dagaalamayo Argagixisada, ayna sii wadayaan dadaal kasta oo dhabarka looga jabinayo kooxahan.
Warar hoose ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha Al- Shabaab ee sida gaarka ah lloo baadi-goobayey, waxaana hadda la xaqiijiyey in sidaas oo kale la qaatay Hub iyo qoraalo cadeynaya waxyaabaha ay abaabulayaan kooxahan.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo ciidamada PSFta ee Puntland ayaa dhawaan soo qabtay Horjooge Sare oo katirsanaa kooxda Al- Shabaab oo u dhashay dalka Suudan, kaas oo ku dhuumanayey magaalada Gaalkacyo.