Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Duqeymo dhanka cirka oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeymahan ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhig ay Shabaabka ku lahaayeen afaafka hore ee degmada Saakow sida Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay warbaahinta u xaqiijiyeen.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Duqeymahan ay geysteen khasaare inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.
Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Duqeymahan ay ahaayeen kuwo xoogan oo cabsi ku abuurtay dadka halkaasi degenaa.
Xaalada goobihii ay ka dhaceen Duqeymaha ayaa degan, waxaana dib u soo laabatay isgaarsiintii degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Ilaa iyo hada lama oga dalka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeyaha ka geystay degmada Saakow, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay Jubbooyinka Duqeymo ka geysanayeen Diyaarado laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Kenya.