Allaha u naxariistee waxaa Maanta Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir lagu dilay Ilyaas C/llaahi Sheekh oo ahaa Guddoomiyihii Waaxda Afraad ee Degmada Shibis.
Wararka ayaa sheegaya in Marxuunka ay dileen Koox Bastooladleey ah kuwaas oo dilka ka dib goobta ka Cararay.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Goobta Dilku ka dhacay tagay,waxaana ay ka sameeyeen Baaritaano halkaas,balse ma jirto Cid ay Baaritaanka ku soo qabteen.