Madaxweyanaha oo kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka Jigjiga

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxa uu kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shucuubta labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dedejiyo barnaamijyada suuragelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda deegaanka, isagoo intaa ku darey in uu aaminsan yahay in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Odayaasha dhaqanka oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagay magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana weli uu halkaasi kulamo kula qaadanayaa Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.