TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo Joojiyay Howlgalkii Ciidamada Danab iyo Amar ay ka sugayaan Madaxweyne Guuleed

0

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Dowlad Gobaleedka Galmdug Xirsi Yuusuf Bare aya Waxa uu shegay in Kulan Xasaasi ah oo uu Goob joog ahaa Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Gulled uu ka Dhacay Magalada Galkacyo kulankaasi oo ay Wada Qaateen Saraakiisha Ciidanka Danab ee Gaalkcyo dhawan yimid iyo Sidoo kale Maamulka Galmudug.

Waxa uu shaaca ka Qaaday in Hakad la Galiyay Hawulgalkii Ciidanka Danab ay ka Wadeen Dhanka Dowlad Gobaleedka Galmudug la iskuna afgartay in Markii loo Baahdo hawulgal loo soo maro Wadada sharciga ah isla Markaana Ciidanka Kumaandooska Somaliya ay wargaliyaan Maamulka gobalka iyo Laamha amaanka Goobaha yhawulgalka ka sameynayan Ka Hor inta aan hawulgalka la qorsheen.

Xirsi Yusuf Bare Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in aysan dhici doonin cid iska soo gasha Galmdug waxa ay rabtana ay ka sameystao waxana uu shaaca ka qaday in dadkii ay afduubteen ciidanka danab la soo daayay
Ugu Danbeyn Waxa uu shegay in hada wax hawulgal ah oo socda aysan jirin laakin laga wada hadli doono qorshe walba oo amniga ku saabsan balse ciidanka galmduug ay awood u leeyihiin ina y amaankooda sugtaan

HALKAAN KA DHAGEYSO